Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Ceelbaraf

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhaxe, halkaas oo dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Al-shabaab, ciidanka ayaa howlgallo ka wada deegaanka lagu xaqiijinayo amniga iyo miino baaris.
Gaashaanle Cali Yuusuf Macalim oo ka mid ah saraakiisha hoggaaimneysay howlgalka lagula wareegay deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in Al-shabaab uu  deegaankaan uu u ahaa marrin muhim u ah oo isaga kala gooshaan gobolla ada dariska ah ee Hiiraan ,Shabeellaha Dhaxe iyo Shabeellaha Hoose.
Al-shabaab ayaa laga saaray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, tan iyo markii bishii tagtay ee October ay ciidanka dowladda ka bilaabeen howlgallada gobolka, waxaana ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin degmada Aadan Yabaal iyo sidoo kale Ruunirgood.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this