Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo 200 Muwaadiniin Mareykanka Ah Ka Maamnuucay Inay Soo Galaan Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka.

Dadka la shaaciyey waxaa ku jira saddex qof oo la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.

Sidoo kale waxaa ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this