Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Ciidan Iyo Imaam Masaajid Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho loogu geystay Imaam Masaajid oo caanka ahaa gudaha caasimada.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxaana loo geystay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Waa dilkii labaad ee muddo 24 saac gudahood la dhacaya Muqdisho, waxaana xalay Dayniile lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray, General Cabdullahi Xuseen Warsame (Waran) kaas oo ay toogteen rag ku hubeysnaa bastoolado kadibna goobta ka baxsaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this