Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddiga TPEC oo go’aan hoose ka qaatay muranka soohdimaynta degmooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1668267301561.jpg?resize=720%2C48

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aan hoose ka gaaray muranka ka taagan soohdimaynta degmooyinka sida ay xogo hoose sheegayaan.

Guddiga TPEC ayaa go’aamiyay in beelaha ka caraysan soohdimaynta muranka dhalisay ee degmooyinka reer kasta lagu qoro degmadii uu rabo in uu raaco sida ay xaqiijinayso xogtan.

Guddiga ayaa sidoo kale isla gartay in sida ugu dhakhsaha badan loo shaaciyo seejooyinka cod-bixinta degmooyinka oo saaka loo baajiyay muranka taagan.

Tallaabadan cusub ee ah in reer kasta meeshii uu sheegto loo qoro ayaa abuur karta khilaaf horleh maadaama degaannada qaarkood ay ka jiraan khilaafaad dhuleed.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Guddiga TPEC oo go’aan hoose ka qaatay muranka soohdimaynta degmooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this