Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Cad oo sheegay in aysan kulmayn Madaxweyne Biden iyo Maxamed Bin Salmaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20, kaas oo ka dhacaya waddanka Indoesia.


Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Jimcihii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uusan qorsheyneynin inuu kulan la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sullivan ayaa hadalkan u sheegay warfidiyeenka xilli uu Biden kasoo baxay shirka isbedelka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP27 oo socda waddanka Masar.

Biden ayaa la kulmay amiirka leh dhaxalka Sacuudiga bishii Luulyo, laakiin ururka OPEC+ ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa bilo kadib jaray wax soo saarkii shidaalka, taas oo dhabar jab ku noqotay dadaalka maamulka Biden ee lagu xakameynayo qiimaha gaaska gudaha iyo sicir bararka Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Cad oo sheegay in aysan kulmayn Madaxweyne Biden iyo Maxamed Bin Salmaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this