Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Gobolka Hiiraan oo looga digay Qaraxyo la sheegay in ay diyaariyeen Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye ku xigeenka Qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa maanta soo saaray digniino la xariira qaraxyo waa weyn, oo uu sheegay in Al-shabaab ay la damacsan yihiin magaalooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Taliye Cali Dhuux ayaa Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in Al-shabaab ay qorsheysay qaraxyo waaweyn, oo ay doonayaan in ay ka fuliyaan magaalooyinka Baledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

“Dhammaan dadweynaha somaliyeed gaar ahaan reer b.weyne b/burto iyo jalalaq waa inay galaan feejignaan abni oo dheeraada oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda as ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan deegaanadaas asbuucaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay” ayuu yiri G/sare Cali Dhuux.

Digniintan Taliye ku xigeenka Qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegan tahay, xilli shalay dowladda Soomaaliya ay dadweynaha fartay in ay muujiyaan feejignaan inta ay socdaan Hawlgallada lagu saarayo Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Shacabka Gobolka Hiiraan oo looga digay Qaraxyo la sheegay in ay diyaariyeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this