Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan Baydhaba iyo Lafta-gareen ‘oo amray’ in mucaaradka laga saaro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ee caasimada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed u dhaxeysa maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay magaalada Baydhaba ku xiray siyaasiyiin dhowr ah iyo masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka biyo diidan muddo kororsi uu sameysto Lafta-gareen, iyaga oo ku hanjabeyna inay ka dagaalami doonaan arrintaasi haddii uu kusii madax adeygo.

“Marnaba ma aqbali doono in nala caburiyo, waan ka dagaalameyna muddo kororsi,” ayuu yiri Shiine Macalin Nuur oo kamid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in muddo xileedka Lafta-gareen uu ku egyahay bisha December, wixii ka dambeeyana aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay in uu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda laga saaro magaaalda Baydhaba, xili ay sii xoogeysanayso xiisada kala dhaxeysa mucaaradka.

Lafta-gareen ayaa muddo xileedkiisa sharciga ah wuxuu ku egyahay bisha December ee soo aaddan, hase yeeshee wuxuu horey u sameystay muddo kororsi hal sano ah, wax qorshe ahna kama lahan inuu doorasho qabto, xilli mucaaradka ay sidaas dalbanayaan.

The post Xiisad ka taagan Baydhaba iyo Lafta-gareen ‘oo amray’ in mucaaradka laga saaro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this