Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaacinta seejooyinka cod-bixinta degmooyinka Puntland oo khilaaf loo baajiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Seejooyinka cod-bixinta degmooyinka Puntland oo saaka la rabay in la shaaciyo ayaa la baajiyay cabsi laga qabo in uu ka dhasho qalalaase siyaasadeed.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa diyaariyay seejooyinka cod-bixinta oo ku salaysan shaxda soohdimaynta degmooyinka ee muranka xooggan dhalisay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo samaysay shaxda soohdimaynta ayaa is raacisay degaanno aan is lahayn taas oo abuurtay muran dhuleed.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuuusuf Jibriil ayaa sheegay in wixii qalalaase ka dhaca soohdimayntaas ay mas’uuliyadeeda qaadayso wasaaradda arrimaha gudaha.

PUNTLAND POST

The post Shaacinta seejooyinka cod-bixinta degmooyinka Puntland oo khilaaf loo baajiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this