OG_Girl Posted March 25, 2005 the artical says " we will help somali with $27M throught Donation Box and every country will try to pay their share for their membership"... but I don't see any promises dear. Seems you don't understand what you copping and pasting here I would be happy and wanted to believe they will do what they promising but I don't think this would be thecase here! Salam Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted April 3, 2005 DHAQAALIHII UGU BADNAA OO DHOWAAN KU SOO DHACAYA GACANTA MAS’UULIYIINTA DOWLADDA Ra’iisul Wasaare Geedi oo arrintaas ugu soo haraya Liibiya iyo C/llaahi Yuusuf oo ku soo beegan Nairobi Axad, April 03, 2005 (HOL) @06:06GMT: Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay mas’uuliyiinteeda dhowaan soo gaari doonaan dhaqaalihii ugu badnaa ee ay ka helaan Beesha Caalamka.Madaxweynaha Dowladda federaalka iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Tripoli ee dalka Liibiya ayay wararku sheegayaan in ay hoggaamiyaha dalkaas ay ka heleen kaalmo lacageed oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay gaareyso 7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah. Ra’iisul Wasaare Geedi ayay wararku sheegayaan in soo qaaditaanka lacagtaas uu ugu soo hari doono magaalada Tripoli, isagoo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo uu ku jiro kan Maaliyadda Md. Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo C/llaahi Yuusuf-na la soo sheegayo in uu maanta ku sii jeedo magaalada Nairobi, haddiiba aanu xalay gelinkii dambe gaarin. Dhinaca kalena, wararka ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in dhaqaale gaaraya 27 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay bishan gudaheeda dowladda Federaalka ka soo gaari doonto dalalka Carabta oo shir madaxeedkoodii ugu dambeeyay ku ballanqaaday in dhaqaale la siiyo dowladda cusub ee Soomaaliya. Guud ahaan dhaqaalahan ayaa noqonaya mid wax ka taraya dib u soo guuritaanka Dowladda Federaalka, walow uu halkan ka jiro mad madow u dhaxeeya Xubnaha Dowladda, taasoo laga yaabo in sida loo maamulayo dhaqaalahaas uu noqdo mid sii huriya khilaafka haatan u dhaxeeya, iyadoo ay jiraan guddiyo iska soo horjeeda oo ka soo wada baxay Dowladda Federaalka, si ay u nabadeeyaan ma Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites