Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Caan ah oo lagu dilay gobalka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo deegaanka  Dhisaq Shurufle ee hoostaga gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxa hubaysan ay habeennimadii xalay ku dileen deegaanka Sheekh Caan ah iyo wiil uu dhalay.

Sheekha la dilay ayaa lagu magacaabayay Sheekh  Cisman Axmed Geedi, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxa biskoolado ku hubaysan.

Wararka ayaa sheegaya in sheekha iyo wiilkiisa la dilay xilli ay ku jireen salaad, waxaana goobta isaga baxday kooxdii ka dambeysay dilka.

Sheekh Cisman Axmed Geedi waxa uu horay u soo noqday guddoomiyihii maxkamadda degmada Cadaado, waxaa sidoo kale uu ahaa culimada duruusta diinta ka bixisa masaajidada magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud .

May be an image of 1 person

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this