Sign in to follow this  
Deeq A.

PUTIN oo qaaday tallaabo ka dhan ah Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Moscow (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka.

Dadkaas 200 ah ee loo diiday Ruuska ayaa waxaa ku jira saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah.

Waxa ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.

Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

Labada dal oo ka mid ah quwadaha waa weyn ee caalamka ayaa maalmihii u dambeeyey hawada isku marinayey hanjabaado, waxayna xiisaddu kasii dartay kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

The post PUTIN oo qaaday tallaabo ka dhan ah Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this