Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabe iyo wiilkiisa oo lagu dilay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dil arxan darro ahaa ka geysteen qaybo ka mid ah Dhisaq Shurufle oo ka tirsanaa gobolkaasi.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Aabe iyo wiilkiisa xilli ay dukanayeen Salaadda Cishe, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Axmed Geedi, waxaana si weyn looga yaqiinay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa Galmudug waxa ay ku eedeysay inay geysteen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay toogashada fuliyeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray deegaanka ay mashaqada ka dhacday ayaa sameeyyey howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyey dilka

AUN Sheekh Cismaan Axmed Geedi ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii maxkamadda degmada Cadaado, waxaana la filayaa in maanta isaga iyo wiiliisa lagu aaso halkaasi.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka uu dilka ka dhacday laga dareemayo saameynta ka dhalatay dhacdadaan oo ay aad u hadal hayaan dadka deegaanka.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga saaray kooxda, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Wabxo,.

The post Aabe iyo wiilkiisa oo lagu dilay gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this