Deeq A. Posted November 12, 2022 Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Ivica Dačić. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia gaar ahaanna fursadaha dhinaca ganacsiga ee labada dal. Labada mas’uul ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka wada-hadleen arrimaha Waxbarashada iyo farsamada gacanta. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Serbia oo iska kaashanaya arrima dhawr ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites