Sign in to follow this  
Emperor

Government officials meet Somali community in the west midlands, Birmingham UK

Recommended Posts

Emperor   

Waxaa Magaalada Birmingham Ee Midowga Boqortooyada Ingiriiska Ka Dhacay Shirweyne Soomaaliyeed Oo Lagu Marti qaaday Qaar Ka Mid Ah Madaxda Sar Sare Ee Dawlada Federaalka Soomaaliya.

 

Goorsheegtu markii ay ahayd afartii galabnimo waxaa madasha shirka soo buuxiyey dadweyne soomaaliyeed oo aad iyo aad u tiro,badan waxaana wejiyadooda ka muuqanayey dareenka niyadsamida ah ee ay u hayaan soo dhawaynta weftiga dawlada Federaalka Soomaaliyeed.

 

 

Waxaana markii ugu horeyseyba Codbaahiyaha soo qabsaday gudoomiyha Somali network Mudane Dr: Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheer Cali Atom, waxaanu Cali Atom si aad ah uga xog waramay dadaalka dheer ee ay u galeen qabanqaabinta iyo soodhawaynta waftigan ballaadhan ee ka socda Dawalada Federaalka, waxaa kaloo uu intaasi ku sii daray sida ay dadweynaha soomaaliyeed Birmingham(UK) ay uga go’an tahay marti gelinta iyo soo dhawaynta Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliyeed

 

 

Dr: Cali Atom wuxuu isna ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha golaha odayaasha Mudane Malaaq Madey Nureey, malaaqu wuxuu isna ka hadlay in loo baahan yahay in Ummadu isu samirto si xaq ahna lagu hogaamiyo, dabadeedna Malaaq Madey wuxuu isna si xurmo iyo qadarin mudan ugu soo dhaweeyey Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Dhirta Iyo Daaqa Mudane Maxamuud Maxamed Guuleed Gacmo dheere, ka dibna wuxuu Gacmo dheere si aad ah uga xog waramay rajada dawlada federaalku inay aad u fiican tahay.

 

 

Waxaana uu yidhi dawladu waxay wadaa hawlo fara badan kuwaasi oo ay doonayso inay si xilkasnimo leh u gudato, sababaha Caasimada Soomaaliya loo aadi waayeyna wuxuu ku sheegay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Iyo Raysal wasaare Maxamed Cali Geedi ayaa qof walba ka jecel inay Muqdisho dawlada geeyaan, hase ahaate waxay arkeen dhibihii ku dhacay dawladihii ka horeeyey, taasi baana keentay in dawladu sii joogto Jowhar.

 

 

Mudane Maxamuud Gacmo dheere wuxuu kaloo xusay in Madaxtoyada xamar lagu qabtay xaflad weyn oo lagu xusayo sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweyne Cabdulaahi loogu soo doortay wadanka Kenya, waxaana xafladaasi hogaaminayey Raysul wasaare ku xigeenka dawlada federaalka Mudane Xuseen Caydiid, wuxuu kaloo intaasi raaciyey in layska daayo wararka ku tiriku teenta ah ee la leeyahay dawladu weerar ayey qaadaysaa, islamarkaana wuxuu cambaaray balaaran u soo jediyey kuwa caadeystey wararka been abuurka ah,

 

 

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Jeneral Cabdulaahi Cali Cumar iyo dhaamaan xubnihii waftiga DFKGS oo ka koobnaa 7 xubnood wuxuuna dhaliil u soo jeediyey Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee Ku dhaqan Qurbaha, oo uu yidhi waxay ka qayb qaataan burburka dhulkooda, oo sida loo burburiyaa ay fududahay, balse sida wax loo hagaajiya way dheer tahaye, inkastoo ay ahayd bishii Ramadaan waxaa soo dhawaatay waqtigii Afurka.

 

 

Dabadeedna sidii ayey waftigii iyo shacabkii goobta ka soo qayb galay ugu dareereen dhinacii afurka iyo cashadii oo ku xigtey, hase ahaate waxyaabihii la soo bandhigayna waa laysku afgartey idilkoodba, waxaana lagu soo gunaanaday in maanta dawlada federaalkii ay u baahan tahay in lays garab taago, si aynu dib ugula soo noqono sharaftii iyo midnimadii aynu lahaan jirnay……..

 

 

 

Waxaa iyana goobtii afurka iyo cashada hadal kooban ka soo jeediyey reysal wasaaraha DFKGS Pro Ali Mahamed Geedi wuxuuna u sheegay dhamaan ummada somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u diyaar garoobaan sidii ay u badbaadin lahaayeen ummada somaliyyed ee 15 sano ee la soo dhaafay ku jiray dhibka wuxuuna yiri waxaa lagu jiraa bishii barakaysnayd ee rabaan oo ah runtii bil u baahan in laga faa.idaysto, isla markaas wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in gacan sadexaad ay soo dhex gasho dib u heshiisiinta labada golle isaga oo sheegay in ay haboon tahay in aan dhexdayada ka dhamaysano wixii khilaaf ah.

 

Somfreemedia waxay idiin soo diyaarinaynaa shirkii oo maqal iyo muuqaal ah kaas oo aad ka dawan doontaan qeybta maqalka iyo muuqaal.

 

Somfreemedia.com

 

Birmingham

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this