Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay dadweynaha iyo goobaha ganacsiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16681669044731383.jpg?resize=720%

Dowladda Soomaaliya ayaa fartay dadweynaha in ay muujiyaan feejignaan guud, inta uu socdo hawlgalka lagula dagaalamayo Al-shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faray milkiileyaasha guryaha, hoteelada, garaashyada iyo goobaha kale ee ganacsiga in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda.

Sidoo kale dowladda ayaa dadweynaha u soo jeedisay in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto.

“Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada, garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga codsanayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amniga” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto”.

FB_IMG_16681655059415650.jpg?resize=677% FB_IMG_16681655132194252.jpg?resize=720%

PUNTALAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay dadweynaha iyo goobaha ganacsiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this