Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir ku saabsan Maalgashiga Shisheeye

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20221110-WA0009.jpg?resize=1000%2C67

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Maalgashiga Shisheeye, tan iyo markii la aas-aasay Sharciga Maalgashiga Shisheeye sannadkii 2015.

Shirka Guddiga wejigiisa kowaad waxaa furay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Xassan Macallin, iyada oo ay goobjoog ka ahayeen dhammaan Wasiirrada wasaaradaha xubnaha ku leh Guddiga Maalgashiga Shisheeye sida; Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalah XfS Mudane Maxamuud A, Shiekh Faarax (Beenebeene) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshad.

Ujeeddada ka soo qeyb-galka Wasiirrada ee shirka Guddiga wejigiisa kowaad ayaa aheyd in lagu biiriyo Guddiga miisaan siyaasadeed, laguna booriyo dar-dar gelinta howlaha mugga leh ee horyaallo guddiga, si loo soo dhiirigeliyo loona soo jiito Maalgashigii shisheeye ee dhaxal-galka ah.

Wejiga labaad ee shirka Guddiga waxaa fadhiyay dhammaan xubnaha Guddiga ee kala ah; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horimarinta Dhaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed.

Waxaa sidoo kale shirka Guddiga wejigiisa labaad ku weheliyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, maaddaama laga doodayo codsi maalgashi oo ku aaddan qeybaha Tamarta. si loo kobciyo dhaqalaaha dalka isla markaana dhinaca horumarka loo jiheeyo dalka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir ku saabsan Maalgashiga Shisheeye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this