Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay weerar Al-shabaab ku qaadeen degaanka Burdaar ee Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaanna Kumaandooska Gorgor ayaa fashilayay weerar gaadma ah oo ay Alshabaab saakay waaberkii ku qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Alshabaab.

Af-hayeenka ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay hawlgalkaas kaga dhaawacmeen saddex askari oo keliya islamarkaana aysan jirin wax dhimasho ah.

Gen. Caanood ayaa sidoo kale xusay in uu weli socdo hawlgal lagu baacsanayo dagaallamayaashii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay weerar Al-shabaab ku qaadeen degaanka Burdaar ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this