Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cadaaladda iyo Guddiga Maalgashiga Shisheeye oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee guddiga maal-gashiga shisheeye ay yeeshaan mudda 32 sano kadib ah.

Mudane Xasan Macallim ayaa munaasabadda ka sheegay in shirka guddiga maal-gashiga shisheeye uu muhiimad gaar ah leeyahay uuna yahay bilaw wanaagsan oo horumar horseedi kara maadaama uu muujiayo in Soomaaliya ay markaan diyaar u tahay inay dunida la yeelato iskaashi ganacsi.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in maalgashi shisheey uu u baahanyahay soo jiidasho, shirka maanta qabsoomayna uu soo jiidashadaas qeyb ka yahay.

Shirka guddiga maal-gashiga shisheeye ee maanta qabsoomay ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirraa qorsheynta, ganacsiga, korontada, shaqaalaha, wasiiru dowlayaasha arrimaha dibadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa iyo madax kale.

Guddiga maal-gashiga shisheeye ayaa dhawaan la howl geliyay, halka sharciga maa-gashiga shisheeye dib loo cusboonoysiiyay sanadkii 2015.

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this