Sign in to follow this  
Deeq A.

DEEGAAN cusub oo ka bilaabanayo dagaalka Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa kasii socda qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka, ayada oo xiligaan uu howl-galka dagaalkaasi ka bilaabanayo deegaanka Bakajeex ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in geba-gebo uu marayo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanka Bakajeex, ayada oo halkaasi lagu diyaariyay ciidamo fara-badan oo ka qeyb-qaadan doona howl-galada.

“Madaxda sare iyo kuwa gobolkaba diyaar ayey u yihiin in lala dagaalamo Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanka ee hubka qaatay ku boorinaya inay laba jibaaraan howl-galka ka dhanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale qaar kamid ah horjoogayaasha ciidamada deegaanka ee u diyaarsan inay howl-galo ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen gobolka, islamarkaana ay dhankooda u diyaarsan yihiin ka qeyb qaadashada xoreynta deegaanka.

Howl-galada ka dhanka Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dambe sii xoogeysanayay, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay argagixisada ka xoreeyeen deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Sidoo kale waxaa tan iyo markii ay billowdeen howl-galada ka dhanka ah argagixisada lagu burburiyay saldhigyo muhiim u ahaa Al-Shabaab, kaasi oo u dambeeyay saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof.

The post DEEGAAN cusub oo ka bilaabanayo dagaalka Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this