Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa In La Helaa Heshiis Siyaasi Ah 13 November Ka Hor…” Musharax Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in mawqif kiisu aanu is badali doonin hadii aan heshiis siyaasi ah la helin inta aanu dhamaan mudaxileedka sharciga ah ee madaxweynaha Somaliland.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo kasoo laabtay safar uu ku marayay gobolada bariga Somaliland, oo markii uu soo gaadhay caasimada Hargaysa kumanaan taageerayaal ah goob fagaare ah kala hadlay, ayaa sheegay in aanu aqbalayn in doorashada la galo, iyadoon mucaaradka lala heshiin.

“Saw doorasho diyaar uma nihin?, saw doonimayno in heshiis lagu galo doorashada?, inshallah ama heshiiska ayaa la gali doonaa, ama go’aan keeni halkii uun buu taagnaan doonaa … beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba waxaynu u sheegayna in aynu doorasho diyaar u nahay, doorashadii madaxtooyasa ayaynu diyaar u nahay” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in ay tahay in heshiis ka la gaadho kahor inta anay dhamaan 5-tii sanno ee madaxweyne Biixi la doortay, oo ku eg horaanta bishan November “Waa in heshiis la helaa siyaasi ah 13 November ka hor”.

Xukuumada Somaliland iyo mucaaradka ayaa isku maan dhaafsan sida ay usoo kala horaynayaan doorashooyinka urrurada iyo madaxtooyada, mucaaradka ayaa aaminsan in doorashada madaxtooyadu soo horayso.

20221110638036662055235616-1.jpg 20221110638036662055235616.jpg 20221110638036662231478274-1.jpg 20221110638036662231478274.jpg 20221110638036662474068738.jpg 20221110638036662653467143.jpg 20221110638036662843229535.jpg 20221110638036662966503491.jpg 20221110638036663163061425.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this