Sign in to follow this  
Somali_Patriot

Somali MPs come to Kismayo.

Recommended Posts

Wasiirka ganacsiga dawlada federaalka kmg ah ee soomaliya xildhibaan Muuse suudi yalaxow iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu xubin ka yahay wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cusmaan xasan Cali ( Caata) ayaa saaka 10:00 subaxnimo socdaal gaaban oo saacad qaadatay ku yimid magaalada kismaayo.

 

Mas,uuliyiinta isbahaysiga dooxada jubba iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa soo dhaweeyay wafdiga oo ay kuwada hadleen garoonka gudahiisa kana warbixiyay socdaalkooda iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay magaalada NBI ee ay ka yimaadeen gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba ahna wasiirka dib udhiska iyo dib udajinta dawlada federaalka kmg ah ee soomaaliya Barre Aden shire oo ka hadlayay kulankii gaabnaa ee uu la yeeshay mas,uuliyiintaan waxaa uu soo dhaweeyay hawsha ay labadaan wasiir iyo kuwa kale ee ku fakirka ah ugu soo ambabaxeen gudaha dalka soomaaliya si loo gaarsiiyo daka dawlada iyo dhaqangalinteeda oo uu sheegay in ay ku xiran tahay shacabka soomaaliyeed.

 

Cusmaan Xasan cali caato wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta waxaa uu kulanka ka sheegay in ay ku socdaan hawl dibuheshiisiin iyo nabadayn ah looguna gogol xaarayo dawlada somaaliya ayna ka bilaabayaan magaalada kismaayo oo uu sheegay in xarun u tahay dadka jecel soomaalinimada iyo dib usoo celinta qaranka soomaaliya wasiirka ganacsiga xaaji muuse suudi oo hadaladiisa la sugayay waxaa ay ubadnaayeen mahadcelin iyo ammaan uu u jeediyay dadka soomaaliyeed ee ku Nool jubboyinka gar ahaana kismaayo waxaana uu ka dalbaday in ay hooyo u noqdaan dib uheshisiinta mar uu ka hadlayay arimaha ciidamada shisheeye.

 

Waxaa uu shaaca ka qaaday wasiirku in aysan marnaba ogolayn ciidan shisheeye oo soomaliya dhibaato iyo shido ukeena sida uu warka u dhigay waxaana uu iska fogeeyay in uu yahay dawlad diiday.

 

Aniga waxaan balanqaaday in aan madaxwaynaha ku qaato Dhabarka hade Barrena igama xoog yara oo madaxa ayuu ku qaadayaa laakiin ma yeeli karno in dalka la dhiibo ayuu yiri Muuse oo intaas raaciyay in loo baahan yahay midaynta maskaxda iyo qalinka soomaaliyeed si soomaalidu ay u wajahdo danaheeda oo laga waantooba in shisheeye wax laga sugo.

 

Hadalada Muuse suudi waxaa ay u ekaayeen kuwo la mid ah kuwii uu 17kii agoosto 2003 uu ka jeediyay Beerta xorriyada kismaayo xilligaas o uu marti u ahaa isbahaysiga dooxada jubba mana jiro isbadal siyaasadeed oo ku yimid 19 bilood ka dib oo soomaalidu dawlad heshay.

 

Nasteex daahir faarax

kismayo-gedonet

 

http://www.gedonet.com/docs/gen.jpg

http://www.gedonet.com/docs/3wasiir.jpg

http://www.gedonet.com/docs/fartaag.jpg

---------------------------------------------

 

I have my suspisions of Barre Hiiraale,what he is planning, what is the real motive of this quick meeting,and why did he call Muuse and Cato who are openly against the President and the idiotic regime. (For a bruce :D ) What happen to Barre's "peace agreement" with Gen.Morgon, and the due date for Morgon to come to Kismayo(as Col yeey SOL spokesmens have being saying quite a while ago). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this