Deeq A. Posted November 10, 2022 Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ugu amba-baxay dalka Ereteriya, oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan xoogga dalka oo halkaas tabar ku qaatay dhowr sano. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in safarkii Asmara ku qotomo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee Soomaaliya iyo Eritrea Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites