Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay 100 dhalinyaro ah oo rabay inay ku biiraan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay gacanta ku dhigeen in ka badan 100 dhalinyaro ah oo dooneysay inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay sameeyeen ciidamadu.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee ciidamada difaaca qaranka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyaradaas ay doonayeen inay kasoo dhoofaan dalkaas, si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyarada looga sheekeeyey in ay dalka isaga baxaan oo ay ku biiraan Al-Shabaab oo isku dayeyso inay gudaha u gasho dalka Itoobiya.

Bishii August ayey aheyd markii Itoobiya ay shaacisay in illaa 800 oo ka tirsan Al-Shabaab ay ka talaabeen xadka, kadibna ay dagaal ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Itoobiya ayaa wixii ka dambeeyey markaasi xoojisay feejignaanteeda, ayada oo ciidamo dheeraad ah soo dhigtay xadka, halka ay kuwa kale ay soo gelisay gobollada Bakool iyo Gedo.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya kuwaas oo ku jira howlgalka ATMIS ee ka socda Ururka Midowga Afrika.

The post Itoobiya oo gacanta ku dhigtay 100 dhalinyaro ah oo rabay inay ku biiraan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this