Deeq A. Posted November 10, 2022 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab sida ay sheegtay Villa Somalia Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashigooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo u amba-baxay dalka Ereteriya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites