Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf sends a message to the MP's in Mogadishu

Recommended Posts

Nairobi:Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo soo dhoweeyey dedaalka xubnaha ka socda labada Gole ee lagu xasilinayo caasimadda Muqdisho

- Thursday, April 21, 2005 at 19:04

 

Nairobi(AllPuntland)-Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo uu ku saxiixnaa Madaxa Waaxda Warfaafinta ee Madaxweynaha Dr.Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari),ayaa waxa uu Madaxweynuhu codsi uu u jeediyey qaybaha isugu jira labada gole ee DFKMG ah iyo dadka Soomaaliyeedba kaga cosaday inay ka shaqeeyaan sidii loogu dhaqaaqi lahaa wada xaajood si markaas meel dhexe la isugu yimaado.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in ahmiyadda ugu weyn ee mustaqbalka Soomaaliya ay tahay soo celinta Qarankii Soomaaliyeed ,sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay sidii ay labada gole ugu hoggaansami lahaayeen ka shaqaynta sidii ay u hirgeli lahayd in si nabad ah ay DFKMG ahi dib ugu laabato gudaha wadanka ,iyagoo tixgelinaya danta ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka oo iyagu u heellan inay arkaan mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee mudada dheer soo socdey iyo hay'adihii Dawladda oo si cad u shaqaynaya .

 

 

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxa uu soo dhoweeyey isla markaana dhiiri geliyey dedaalka ka socda Muqdisho ee lagu xasilinyo Caasimadda oo ay wadaan xubno isugu jira labada gole iyo bulshoweynta Soomaaliyeed,waxana uu u rajeeyey in tillaabadaas wax ku oolka ahi ay horseedi doonto in dib loogu laabto qorshaha nabada si markaas beesha caalamku uga taageerto dawladda dhinacyada diblomoosiyada,farsamada iyo dhaqaalaha .

 

 

 

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday xubnaha Baarlamaanka iyo Wasiirada ku sugan magaalada Muqdisho inay ku soo biiraan kulammada haatan ka socda Nairobi ee lagu qorshaynayo dib u laabashada iyo qorshaha nabada ee dalka.

 

 

 

Wuxuu Madaxweynuhu ku boorriyey dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD inay sii wadaan taageeradooda wadashaqayneed ee ay la samaynayaan dalalka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta si loogu midoobo hirgelinta natiidadii ka soo baxday shirkii dib u heshiisiinta Qaran ,wuxuuna ka codsaday dalalkaas fulinta ballan qaadkoodii tababarida qaybaha ciidammada kala duwan ee qaranka si u fuliyaan hawshaan adag ee dhaqsaha looga sugayo.

 

 

 

Mudane Cabdullaahi Yuusuf ayaa wuxuu uga mahadceliyey beesha caalamka doorkii wax ku oolka ahayd ee ay ka ciyaareen dedaalka dib loogu dhisayo Soomaaliya ,isagoo ka codsaday inay sii wadaan taageeradooda.

 

 

 

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu salaan iyo hambalyo u dirayIslaamka dhammaan ,gaar ahaanna Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogtaba munaasabadda dhalashadii Nebigeenna Muxamed (NNKH) oo ku aaddan 21ka April 2005(12ka Rabiicul Awal),isagoo dhanbaaaliisa ku xusay in culimadu u gudbiso dadka wacdi diini ah iyo siirada Nebiga iyo shareecada Islaamka si ay uga daydaan akhlaaqdii iyo dhaqankii suubanaa ee Nebigu lahaa.

 

 

 

Madaxweynuhu wuxuu bulshaweynta Soomaaliyeed ku geesinimo geliyey inay nabadda iyo wadajirka u soo jeestaan ,hubkana iska dhigaan si loo soo celiyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed,isagoo Ilaahay uga beryey amni iyo inuu Iimaanka waafajiyo.

 

 

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this