Deeq A. Posted November 10, 2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Abdi Barre ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites