Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wadahadleen RW Xamza iyo madaxweynaha Jabuuti?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdii Bare oo haatan booqasho ku joogo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha waddankaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, isla-markaana ay goobjoog ahaan xubnaha wafdiga la socda ra’iisul wasaaraha iyo wasiiro ka tirsan Jabuuti ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada ee dalkaas.

Labada dhinaca kulankooda waxa ay diiradda ku saareen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah. 

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda.

Kulankan ayaa qayb ka ah wadahadallada u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jabuuti oo iyadu casuumadda u fidisay ra’iisul wasaaraha oo maalintii saddexaad ku sugan waddankaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale horey ula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti, Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, isaga sidoo kale booqday xarunta isgaarsiinta iyo dekedaha ku yaalla dalkaasi.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya oo ay daris la tahay, sidoo kalena ay kala dhaxeyso walaaltinimo iyo xiriir sokeeye oo taariikhiga ah. FB_IMG_1668074455610.jpg FB_IMG_1668074453114.jpg FB_IMG_1668074450780.jpg FB_IMG_1668074448529.jpg FB_IMG_1668074446158.jpg FB_IMG_1668074443736.jpg

The post Sawirro: Maxay ka wadahadleen RW Xamza iyo madaxweynaha Jabuuti? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this