Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Shabeellada dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan, Maamulka Degmada Raagacelle Xildhibaan Cabdiraxman Gacal iyo KorneylMasdile ayaa gaaray Degaanka Bakajeex ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiyaha iyo mas’uulyiinta la socotay ayaa waxaa so dhaweyn ballaaran u sameeyey dadka degaanka, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa waxaa ay kormeen kumareen waddooyinka degaanka Bakajeex iyo Suuqa degaanka .

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Ciidamada Degaanka ee u taagan difaaca Degaanadooda, isaga oo xusay in Al-Shabaab waqtigooda dhamaaday loona baahan yahay in lasii wado dagaalka dalka looga saarayo.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this