Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Nabadoon Xaad oo shaaca ka qaaday in laga shaqeysto amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho laga shaqeysto ee dadka magaaladaan ku nool aan la sugin amnigooda.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in Muqdisho sidaan aysan amni ku noqa doonin, maadaama uusan masuuliyad gaar ah laheyn oo cid gaar ah aan lagu eedey karin wixii dhaca.

“Magaaladaan Xamar dadka lagu tilmaamo hey’adaha amniga kama shaqeeyaan amni ee waa ka shaqeystaan, sababtoo ah mudo dheer ayaan ku noolaa magaaladaan, weligeyna tan oo kale ma arkin,” ayuu yiri Xaad.

Guddoomiyaha oo marti ku ahaa dood uu qabtay TV-ga Universal ayaa sheegay in isaga oo la yaqaano uusan aqoonsi la’aan Xamar dhex mari karin, balse gaadiidka iyo dadka qaraxyada fuliya aysan jirin cid celineysa.

“Muqdisho lama helin wadadii saxda aheyd ee ammaankeeda lagu sugi lahaa, waxaana shaki ku jiraa in amni aan loo rabin magaaladaan, sababtoo ah masuuliyadeeda cid leh ma jirto,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda iyo masuuliyiinta ugu sareysa dalka ay fahmi karaan sida loo sugi karo amniga magaaladaan, balse uu la yaaban yahay sababta ka hor taagan in tallaabooyinka haboon ay qaadaan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare oo doodaan isna marti ku ahaa ayaa xalka amniga Muqdisho ku tilmaamay in lagu heli karo in la hoos geeyo beelaha dega iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo Nabadoon Xaad

The post Daawo: Nabadoon Xaad oo shaaca ka qaaday in laga shaqeysto amniga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this