Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ballaarisay dakhliga ay ka hesho gudaha kadib tallaabadii DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab haatan ay billowday inay kordhiso dakhligeeda gudaha ee ay ka hesho qaadista canshuuraha guryaha lagu soo rogo iyo dhismayaasha kala duwan, kadib tallaabooyinkii u dambeeyey ee ay qaaday dowladda dhexe oo ku dhowaaqday dagaal dhaqaale.

Khubaro ka tirsan QM ayaa shaaca ka qaaday in haatan kooxda ay raadineyso dhaqaale fara badan oo ay siiso dagaalyahaneeda oo haatan wajahaya dagaallo culus oo ka socdo dalka.

Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay sameysteen xarumo cusub oo ka baxsan meelihii soo jireenka ah ee ay ku qaadi jireen lacagaha canshuuraha iyo  Zakawaatka.

QM ayaa sheegtay in weli Shabaab ay awood u leedahay in ay lacag u xawisho bangiyada gudaha iyo kuwa dibadda, ayada oo jirto in dowlada Soomaaliya ay xayirtay akoono ay leedahay kooxdu.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu wareystay haweeney Soomaaliyeed oo magaceeda la qariyey sababo amni darteed, taas oo sheegtay in Al-Shabaab ay la soo xiriirtay, kana dalbatay inay bixiso lacag dhan $425, taas loogu sheegay canshuurta guri ay ka iibsatay magaalada Muqdisho.

Haweeneyda ayaa intaasi ku dartay in markii hore taleefan laga soo wacay, kadibna looga yeeray maxkamad Al-Shabaab ay ku leedahay duleedka Muqdisho, sida ay hadalka u dhigtay.

Khuburada soo saaray warbixinta ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kooxda ay sidoo kale lacago baad ah ka qaato milkiilayaasha dhismayaasha iyo guryaha laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Warbixintan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan Al-Shabaab oo ay horkaceyso dowladda dhexe oo kaashaneyso dadka deegaanka, waxaana sidoo kale barbar socda dagaal kale oo  dhaqaalaha looga cuuryaaminayo kooxda, sida ay sheegtay dowladdu.

The post Al-Shabaab oo ballaarisay dakhliga ay ka hesho gudaha kadib tallaabadii DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this