Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka oo ka digtay Roobab daadad wata oo ka da’a Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayaa sheegtay in laga cabsi qabo todobaadyada soo socda in qaybo kamid ah dalka ka da’aan roobab dabeylo wato.

Todobaadka labaad ee bisha ayaa la filaya in roobabkaan ay ka da’aan gobalada dalka, waxaana la sheegay in sida qiyaasta ay muujineyso haddii ay u da’aan in deegaanada qaar ay wajihi karaan khatar ka dhalata roobabka.

Goballada Awdal iyo Gedo ayaa la filaya in ay ka da’aan roobab lagu qiyaasay 10-50(mm), kuwaas oo sida ay saadaasha sheegeyso haddii loo helo ay ka dhalan karto daadad xooggan.

Dhinaca kale gobalada Bari, Waqooyi Galbeed, Sanaag , Baay, Jubbada dhexe iyo degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa la sheegay in laga heli karo roobab lagu qiyaasay 1-30 (mm).

 

WhatsApp-Image-2022-11-09-at-03.31.46.jp

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this