Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Booqday Qeybo Kamid ah Xarumaha Dowladda Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.
Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti, waxaana safarkiisa uu qaadan doonaa muddo sedex casho ah.
Ra’iisulwasaaraha ayaa safarkiisa Jabuuti waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Jabuuti dhowaan Soomaaliya ay u soo dirtay tiro dhaqaatiir ah, kuwaas oo qeyb ka ah gurmadka qaraxyadii Soobe.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this