Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Simon Coveney?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiirka Simon Coveney xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horeeyey ee hogaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xiligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee adkaa.

Waxa uu tilmaamay halganka wada-jirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xoreynayaan argagixisada iyo dadaalada xoogan ee gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo gurmadka abaaraha gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu horkacayay ee ka qeyb-galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo inta ay ku sugnaayeen Sharma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xoogan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada.
314714105_516783053826172_85248540374197 313890238_516783070492837_90209744083021 314768073_516783193826158_71925011285710

The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Simon Coveney? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this