Sign in to follow this  
Deeq A.

100 Al-Shabaab ah oo lagu laayey howlgal qorsheysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka, saaxiibada caalamiga ah iyo dadka deegaanka ay ku dhowaad 100 Al-Shabaab ah ku dileen hawlgallo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 Shabaab ah, sida lagu sheegay warka dowladda.

“Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka,” ayaa lagu yiri warkaan.

Dhinaca kale howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra  ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa heshay xogta Khawaarijtaan oo isku aruursaday beeraha Geeshaan kuwaas oo ku howlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Ugu dambeyntii warka dowladda waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka.”
FhInJidXgAAXQuq.jpeg

The post 100 Al-Shabaab ah oo lagu laayey howlgal qorsheysan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this