Deeq A. Posted November 9, 2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah Oo saddex cisho ah ku jooga waddanka Jabuuti ayaa maanta booqday dekedaha kala duwan ee Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay dekedaha kala duwan, iyada oo la tusiyay qeybaha ay ka kooban yihiin iyo saldhigga ay ka baxaan tareenada qaada badeecadaha ka soo dega dekeddaha Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay. Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo booqday dekedaha dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites