Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan U Olaleeya In UK Ay Aqoonsato Somaliland Oo Iska Casilay Xil Uu Ka Hayay Golaha Wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee UK ayaa xilka iska casilay kadib markii lagu eedeeyay hanjabaad.

Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin.

Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu hanjabay qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin.

Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday raysal wasaaraha.

Raysal wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa aanu uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this