Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Ka Fal-celiyey Bayaankii Ka Soo Baxay Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga mucaaradka WADDANI ee Somaliland ayaa ka falceliyey bayaankii kasoo baxay Beesha Caalamka ee lagaga hadlay xaaladda cakiran ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga WADDANI ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey halka kasoo yeedhay Saaxibada Caalamka, kadib kulan ay sideedii bishaan la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

WADDANI ayaa shaaca ka qaaday inay ka mahad-celinayaan doorka Caalamka ee ku saabsan taageerada ay la garab taagan yihiin dimuquraadiyadda Somaliland.

“Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay u hayaan dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka WADDANI

Xisbiga ayaa sidoo kale xusay in aad u boggaadinayaan sida ay Beesh Caalamka wax iskaaga weydiisay tallaabada ay qaaday xukuumadda uu hoggamiyo Muuse Biixi sida cabudhinta warbaahinta madaxa bannaan, xoriyada shirarka iyo mudaharaadyada.

“Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaadada, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasadeed laga raadin lahaa” ayaa markale lagu yidhi warsaxaafadeedka kasoo baxay xisbiga mucaaradka WADDANI.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this