Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADANI oo ka falceliyey bayaankii Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland ayaa ka falceliyey bayaankii kasoo baxay Beesha Caalamka ee looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyinka oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadani ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey halka kasoo yeeray Saaxibada Caalamka, kadib kulan ay sideedii bishaan la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wadani ayaa shaaca ka qaaday inay ka mahad-celinayaan doorka Caalamka ee ku aadan taageerada ay la garab taagan yihiin dimuquraadiyadda Somaliland.

“Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay u hayaan dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Wadani.

Xisbiga ayaa sidoo kale xusay in aad u boggaadinayaan sida ay Beesh Caalamka wax iskaaga weydiisay tallaabada ay qaaday xukuumadda uu hoggamiyo Muuse Biixi Cabid sida cabudhinta warbaahinta madaxa bannaan, xoriyada shirarka iyo mudaharaadyada.

“Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaadada, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasadeed laga raadin lahaa” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xisbiga mucaaradka Wadani, Somaliland.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka, kaas oo kasii daray markii baarlamaanka oo labo sano oo muddo kordhin ah usii sameeyey madaxweynaha, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen xisbiyada kala ah UCID iyo Wadani.

The post Xisbiga WADANI oo ka falceliyey bayaankii Beesha Caalamka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this