Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo Al-shabaab ka saaray degaano ka tirsan Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa kooxda Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka wasaarada Gaashaandhigga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadda isbaheysanaya ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo saldhigyo waaweyn ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo Al-shabaab ka saaray degaano ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this