Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Bakool: Hizbul Islam joins regional Islamic Administration

Recommended Posts

Maamulkii Xisbul Islaam ee Bay iyo Bakool oo ku biiray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin

 

Maamul cusub oo hoos taga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa looga dhawaaqay degaano hor leh oo ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool.

Ku dhawaaqista maamulkaan cusub ayaa waxaa lagu soo bandhigay munaasabad goor dambe oo shalay ah lagu qabtay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool,ayada oo ay ujeedada munaasabadaasina ay ahayd ka dib markii Ciidamadii Ururka Xibul Islaam ee ku sugnaa degmada Tiyeeklow ay ku soo biireen Wilaayada Islaamiga ee gobolada Bay iyo Bakool.

Sh Mahad Cumar cabdul Kariim Waaliga Wilaayada gobolada Bay iyo Bakool oo munaasabaas ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee ku sugnaa degmada Tiyeeklow ay midoobaan iyadoona lagu midoobay magaca Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

Taliyihii Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee degmada Tiyeeklow Sheekh Ibraahim Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay munaasabadaas asaga oo sheegay shiikhu in ay si rasmi ah ugu biireen Wilaayada Islaamiga ee Bay iyo Bakool waxana uu bulshada ku dhaqan goboladaas ugu baaqay in ay gacan siiyaan maamulkan cusub.

Sidoo kale waxaa Munaasabadaas ka hadlay gudoomiyaha cusub ee degmada Tiyeeklow Sheekh Warsame Iimaan Cismaan waxana uu shiikhu u mahad celiyey culumadii iyo ganacsatadii ka soo shaqaysay in ay midoobaan Mujaahidiinta ku sugan Wilaayada Bay iyo Bakool waxana uu balan qaaday shiikhu in haddii Allaah idmo ay wax weyn ka qaban doonaan xaalada ammaan ee goobahaasi.

Gobolada Bay iyo Bakool ayaa haatan waxaa inta badan maamula Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka dib markii maamuladii Xisbul Islaam ee goboladaasi intoodii badanayd ay u wareegeen dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this