Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts an update...less than a year of noise.

Recommended Posts

Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho oo burburay

 

Last Updated::2006-12-28 07:45:49

 

Muqdisho: Waxaa maanta xaqiiqowdey in Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho isla markaasna is ballaarinta

ka sameeyey gobollada dalka qaarkood lixdii bilood ee la soo dhaafay uu si rasmi ah u burburay, kadib markii ay ku jabeen dagaal soconayey muddo ka badan toddobaad oo ay la galeen ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dawladda Itoobiya.

 

Burburka Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa si weyn uga muuqda saldhiggoodii ugu weynaa ee magaalada Muqdisho, waxana madaxdii ugu sarsarraysay ay habeenkii xalay jeediyeen ereyo dardaaran ah waxana ay sheegeen in ay xilalkii sika casileen shacabkuna ay doortaan hoggaankii ay doonayaan.

 

Dadweynaha Soomaaliyeed waxa la yaab ku noqotay sida Midowgii la baxay Maxkamadaha Islaamiga ee soo bilowday horraantii sannadkan ay u burbureen sannadkii ay soo baxeen oo aan dhammaan, iyadoo awooddii isballaarinta ee ay gobollo muhiim ah oo dalka ku yaal ay uga talinayeen.

 

Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay qaybo kamid ah waxaa ka talinayey malleyshiyaad waxana soo laabtay qaadkii ay maxkamadaha Muqdisho mamnuuceen, iyadoo meelaha qaarkoodna laga soo sheegay xasilooni darro iyo dhac.

 

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho lagu soo dhoweeyo xoogagga dawladda federaalka iyada oo aan wax dhiig ahi ku daadan ilaa iyo haatanna lama oga halka ay u baxsadeen horboodayaashii maxkamadaha Muqdisho.

 

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this