Deeq A. Posted November 9, 2022 Bulshada Caalamka oo u digtay Somaliland Waxa maanta telefoon Kula hadlay Madaxweyne Biixi daneeyayaasha caalamka ee arimaha doorashooyinka Somaliland Waxaanay walaac wayn ka muujiyeen siday wax usocdaan Waxay Madaxweyne Biixi u cadeeyeen mawqif kooda ku adaan arimaha doorashooyinka iyo dhawrista dimuqraadiyada waxaanay ku adkeeyeen in uu keeno heshiis Labada dhinac ah iyo qabashada doorasho laysla ogol yahay Waxa kale oo ay sheegeen inaan loo dul qaadan karayn cabudhinta shacabka iyo saxaafada iyo weliba inay Police ku iska laayaan dad shacab ah sabab la’aan Caalamka ayaa walaac wayn ka qaba xaalada somaliland ee Maanta. Akhri Qoraalka Hoose. Geesta kalena Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in dalka ay soo gaadhan waftigii ugu cuslaa ee Bulshada Caalamka ka socda . Qaran News Share this post Link to post Share on other sites