Sign in to follow this  
Deeq A.

MADAALE oo magacaabay agaasimayaasha cusub ee Gobolka Banaadir (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta magacaabay agaasimayaal cusub oo uu yeelanayo gobolka Banaadir.

Wareegtooyin uu soo saaray guddoomiye Madaale ayaa waxa uu xilalka uga qaaday qaar kamid ah agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu magacaabay agaasimayaal cusub oo bedelaya kuwa xilalka laga qaaday, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno hore guddoomiyaal degmo usoo noqday xiligii dowladdii hore ee Xasan Sheekh. 

Agaasimayaasha cusub ayaa sidoo kale waxaa kamid ah  xubno katirsan xisbiga UDP.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa waxaa la filayaa in xilalka ka qaado agaasimayaal kale oo isugu jira kuwa sare iyo kuwa hoose oo u badan kuwa lasoo shaqeeyay maamulkii hore ee uu hogaaminayay Cumar Finish.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa kamid ah:

1- Ahmed Nuur Cabdi Siyaad —  Agaasimaha Canshuuraha gobolka Banaadir.
2- Khaasim Cabdudlle Xasan — Agaasimaha xafiiska Duqa Muqdisho.
3- Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad — Agaasimaha Dad-dhigista Gobolka Banaadir.

The post MADAALE oo magacaabay agaasimayaasha cusub ee Gobolka Banaadir (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this