Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iiusl Wasaare Xamsa oo lagu soo dhaweeyay Jabuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaraha dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuti ee dalka Jabuti, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaare Xamsa .
Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.
314404993_476760274553124_51585405393353
313424516_476760261219792_16131254142224
314349594_476760341219784_83746089061583
314458014_476760214553130_15677875167787
313428653_476760327886452_30881815769862
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this