Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyayaasha Ciidammada Itoobiya Iyo Kooxda TPLF Oo Shir Uga Furmay Magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxaa shalay ka furmay Shir ay isugu yimaadeen Taliyaha Ciidammada Itoobiya Birhanu Julla iyo Taliyaha kooxda TPLF Taddese Warada, kaas oo lagaga hadlayay sidii hub ka dhigis loogu samayn lahaa kooxda TPLF.

Haddaba Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Bariga Afrika Olesegun Obasanjo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru kenyata, iyadoo sidoo kale ay joogeen masuuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay.

Wali faahfaahin rasmi ah kama soo bixin shirka ay isku arkayeen Taliyayaasha ciidamada labada dhinac waa Itoobiya iyo TPLF, balse waxaa xusid mudan in shirkan maanta kii ka horreeyay ay labada dhinac si buuxda iskugu af garteen in hub ka dhigis lagu sameeyo kooxda TPLF, sida ku cad heshiiska ay wada saxiixeen masuuliyiinta wakhtigaa ka kala socday dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Maalmo ka hor waxaa dalka Koonfur Afrika heshiis nabadeed ku gaarey dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, shirkaas oo isla Midowga Afrika ay hoggaaminayeen, wakhtigaas waxaa la isku af gartay oo qalinka lagu duugay qodobo ilaa 12 ahaa, kuwaas oo ay ku jirtay xabbad joojin rasmi ah iyo in TPLF lagu sameeyo hub ka dhigis, taas oo kulankan maanta diiradda lagu saarayay.

Heshiiskan ayaan wali si toos ah u dhaqan galin marka laga reebo erayadii ay dowladdu u adeegsan jirtay TPLF iyo inay dowladdu ka saartay liiska Argagaxisada kooxda TPLF oo billowgii dagaalka u aqoonsatay TPLF inay yihiin Urur Argaaxiso.

Shirkan ayaa sida la qorsheeyay waxa uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, iyadoo shirka kan xiga uu ka dhici doono gudaha gobolka Tigray, wixii intaa ka dambeeya la isku arki doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this