Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Jira In Didier Drogba Uu Qaatay Diinta Islaamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii la soo dhaafay waxaa aad baraha bulshada ku baahay qoraallo lagu sheegayo in laacibka weyn ee u dhashay Ivory Coast, Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Dr Maxamed Saalax oo ku nool Maraykanka uu baahiyay sawirro muujinaya Drogba oo u ducaysanaya sida Muslimiinta.

Wadaadka ayaa sheegay in Drogba uu qaatay diinta Islaamka, sidaana waxaa ku baahay warka.

Saacado kadib Drogba ayaa bartiisa rasmiga ah soo dhigay in aanu bedalin diintiisa, isla markaana uu la yaabay sida uu u faafay warkaas.

“Sheekadan aad ayey u faaftay, balse ma beddelin diinteyda. Waxaan xushmad u muujinayay walaalahay Muslimiinta ah oo aan ku booqday deegaankayga. Waxay ahayd munaasabad aan midnimo ku muujinay,” ayuu bartiisa Twitter ku sheegay Drogba.

0e8e9ef0-5edb-11ed-a0ba-676b368ac81b.jpg

Dr Maxamed Saalax ayaa markii dambe tiray qoraalka hore, waxaana uu sheegay in Drogba aanu noqon Muslim, hase yeeshee uu u duceynayo.

Waa kuma Drogba?

Didier Drogba waxa uu kamid yahay xidigaha ugu magaca dheer kubadda cagta dunida. Waxa uu koobab badan la qaaday kooxda Chelsea ee ka dhisan Ingiriiska. Dalkiisa Ivory Coast waxa uu u ciyaaray saddex koob oo dunida ah.

Kadib 20 sanno oo uu heerka ugu sarreeya ka gaadhay kubadda cagta, waxa uu sannadkii 2018 shaaciyay inuu ka fadhiistay ciyaaraha.

Waxa uu u tartamay hogaanka xidhiidhka kubadda cagta dalkiisa, balse kuma guulaysan.

Waxa uu haystaa diinta Masiixiga, isagoo si weyn ugu xidhan kaniisadaha dalkiisa iyo weliba kuwa dibedda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this