Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhan Cumar Oo Doorashada Maanta Dhacaysa Mareykanka Loollan Adag Kula Geli Doonta Haweeneey Madow Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada maanta ka dhaceysa Mareykanka waxay saameyn xooggan ku yeelaan doontaa jiheynta qaranka gaar ahaan saameynta siyaasiyiinta iyo awoodda xisbiga tallada haya ee Aqalka Cad.

Ilhaan Cumar ayaa kamid ah musharraxiinta u tartameysa doorashada xilligga dhexe ee maanta ka dhaceysa Mareykanka, waxay la tartameysa haweeney iyaduna madow ah o la yidhahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Jamhuuriga.

Joe Biden ma tartamayo-laakiinse doorashada xilliga dhexe waxay go’aamineysaa cidda maamusha Aqalka Koongareeska gaar ahaa baarlmaanka iyo xafiisyada badhasaabyada, doorashadan waxay codbixiyeyaasha siineysaa fursad dadban oo ay ku cabbiri karaan tageeradooda madaxweynaha iyo jiheynta dalka.

Iyadoo Mareykanka uu la daalaa dhacayo dhaqaale xumo iyo walaaca ka dhashay falal dambiyeedka iyo muhaajiriinta aan sharciga wadan, go’aanka kasoo baxa doorashada ayaa noqon karaa mid adag oo ka dhan ah madaxweynaha haatan tallada haya.

Natiijada doorashadan waxay saameyn doontaaa ololaha doorashada madaxtinimada sannadka 2024-ka gaar ahaan fursadaha Trump ee ku saabsan in mar kale uu xilka u tartamo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this