Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamza oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeda waddanka Jabuuti.

Xamza Cabdi Barre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, isaga kala hadli doono xoojinta xiriirka ku dhisan walaaltinimada iyo darisnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti kala hadli doono arrimo ku aadan dagaal ay dowladda kula jirto Shabaab iyo sidii ay uga taageeri laheyd howlgallada socdo.

Wuxuu sidoo kale uga mahadcelin doonaa garab istaagga ay reer Jabuuti u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, kadib qaraxyadii ka dhacay Zoobe, maadaama ay soo direen gurmad deg deg ah iyo dhaqaatiir howlo caafimaad ka fuliyey magaalada Muqdisho.

Booqashadaan ayaa qayb ka ah safaro kala duwan oo uu ra’iisul wasaaruhu ku bixinayo dalalka dariska, wuxuuna dhowaan gaaray dalka Itoobiya, isagoo kadib soo maray Jigjiga.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale qayb ka tahay howlgalka ATMIS, ayada oo ciidamadeeda ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan.

The post Ra’iisul wasaare Xamza oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this