Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Isbeddel lagu sameeyay degmooyinka loo qorsheeyay doorashooyinka qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa isbeddel aan weli la shaacin ku sameeyay liiska degmooyinka loo diiwaan-geliyay doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cof.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddiga TPEC ay liiska ka saareen 16 degmo oo markii hore ku jiray degmooyinka loo qorsheeyay doorashooyinka qof iyo cod.

Liiska degmooyinka oo ahaa 37 degmo ayaa hadda lagu koobay 21 degmo waxaana weli ku socda dhimis sida ay wararku tilmaamayaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Den ayaa dadaal xooggan gelinaya barnaamijkan lagu muransan yahay ee doorashooyinka qof iyo cod oo sida la rumaysan yahay uu ku dhex qarinayo mudda kororsi.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Isbeddel lagu sameeyay degmooyinka loo qorsheeyay doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this