Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamsa oo Safiirka Finland kulan ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Finland u fadhiya Soomaaliya.

Xamsa Cabdi Barre ayaa kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood, kaas ee ku qotama wadashaqeynta dhinacyada kala duwan leh.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha.
Pirkka Tapiola, ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee lagu xuraynayo deegaannada ay ururka alshabaab ku sugan yihiin.
“Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha.
Ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa dhinaciisa kaga mahad celiyay dowladda Finland taageerada ay siiso dowlada federaalka ah ee Soomaaliya
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha.
313257627_476225641273254_59301123804667
313986373_476225701273248_54868860736335
313039298_476225714606580_46478894560472
313409853_476225647939920_41867186379321
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this